Khadka tooska ah ÖIF: macluumaad dhanka taleefoonka ah ee luqaddaada Hooyo

macluumaadka lagu xakamaynayo Korona feyras oo Somali ah waxaa kuula diyaara Shaqaalaha ÖIF. maalamaha Isniin,talaado,Khamiis. saacadda 10:00-14:00 duhirnimo iyo sidoo kale jumcaha 09:00-13:00 duhirnimo taleefankaan: +43 1/715 10 51 - 402!

Fayraska Korona: Xaqiiqada iyo Xeerarka Badbaadada oo 16 luqadood ku qoran

Xogaha muhiimka ah ee ku saabsan sidaan isku ilaalin lahayn isla markaana u ilaalin lahayn dadka waawayn ee difaaca jirkoodu liito sida gaarka ahna khatartu u saamaynayso. Nagu kaalmee inaad nala ilaaliso dadkaas. Waxaad samaynkartid iyo tilaabooyinka saxda ah iyo warar kale oo muhiim ah oo cusub waxaad ka helaysaan bogaan. Aan si wada jir ah u badbaadino Nafta dadka!

Su,aalaha inta badan la iswaydiiyo. Halkan baad ka helaysaan jawaabaha saxda ah.

Cunnada ma laga qaadikaraa Xanuunka?

Xogta ku saabsan qiimaynta khatarta ee ilaa hadda lahayo waxay sheegaysaa in aysan suurtagal ahayn in xanuunkan lagu kalaqaado cunnada. Taasi waxay ka dhigantahay in cunnada Awstriya amnigeedu suganyahay.

Ma la iska baari karaa xanuunka Karoona Fayras?

Dhakhaatiirta ayaa hubinaya in runtii uu jiro shaki cad oo markaas ku keenaya in dhakhaatiirta go,aansadaan in ay baaritaan sameeyaan. Jawaabta baaritaanka waxaa lagu helayaa saacado kooban gudahood.

Maxaa dhacaya haddii lagaa helo caabuqa Karoona Fayras?

Haddii shaki jiro waxaa la samaynayaa kiriteeriyooyin amni oo gaar ah, kuwaas oo laga tashaday khuburada  lagana soo xigtay xeerarka caalamiga ah ee ay wasaarada caafimaadku ku talisay. Qofkii xanuusan waa la karantiilayaa, dadkuu la kulmayna waa la raadinayaa waana la wargalinayaa, waxaa dhici karta tusaale ahaan hadba siduu xaalku noqdo  in karantiil lagaliyo.

Ujeedada Dhammaan tilaabooyinka laqaadayo waxaa weeye in sida ugu macquulsan loo yareeyo dadka awstariya ku nool ee xanuunku ku dhacayo.

Sidee loo daweeya xanuunkan?

Xanuunkan wax talaal ah malaha.  Astaan ahaan baa loo daweeyaa dadka, taas oo ah in la siiyo waxyaabo kaalmaati u ah xanuunka haya tusaale ahaan dawooyinka qandhada lagu dajiyo.

Sidee loo qiyaasi karaa xadiga dhimashada, gaar ahaan markii la barbardhigo durayga?

Hada waxaa laga ambaqaadayaa dhimashada (=Geerida) boqolkiiba 2,3 inay tahay.

Xadiga dhimashada ee duray-xiliyeedku wuu ka duwanyahay kaas.  Marka la eego qiiyaasta ay samaysay hay’ada midawga yurub u qaabilsan ka hortaga fayraska ee magaceeda loo soo gaabsho (ECDC) waxaa midawga yurub, norway, ayslan iyo likhtenishtayn  xili hore ugu geeriyooda xanuunada lala xiriiriyo durayga dad gaaraya ku dhawaad 15.000 ilaa 75.000  . Awstariya waxaa eelka durayga iyo xanuunada la bahda ah u geeriyooda sanadkii marka la eego iskucecelis la samaynayay sanado badan haday cirka u boodo ku dhawaad 1.500 oo qof.

Khatartee buu leeyahay Fayraska Corona?

Khatarta uu leeyahay Fayrasku ilaa iyo hadda ma cada. Xilligaan hadda ah wuxuu u muuqdaa, in Fayraska Corona ee cusub inuu aad oga khatar yaryahay MERS (ilaa boqolkiiba 30 dhimashada) iyo SARS (qiyaastii  boqolkiiba 10 dhimashada). Waxaa hadda la filayaa in Fayraska Corona ee cusub (SARS-CoV-2) inuu heerka dhimashada leeyahay ilaa boqolkiiba saddex. Wuxuu lamid yahay Fayraska hargab-xiliyeedka (dhimashada ka hoosaysa boqolkiiba 1) wuxuuna saameeyaa Dadka da’da ah iyo Dadka difaacoodu yaryahay.

Fiidiyow "Khatartee buu leeyahay Fayraska Corona?" (AGES)

Sidee Cudurku isu muujiyaa?

Infekshinnada Dadka qaba Fayraska Corona caadi ahaan waa kuwo sahlan, oo aan lahayn astaamo muuqda. Calaamadaha caamka ah ee uu leeyahay Fayraska Corona ee cusub waxaa ka mid ah Qandho, Qufac, neefsasho gaaban iyo neefsasho adag. Xaaladaha culus, wuxuu infekshinku keeni karaa oof-wareen, xanuun culus oo xagga neefsashada ah iyo xataa dhimasho. Waxaa kale oo jira habab khafiif ah (calaamadaha hargabka) iyo infekshin aan lahayn astaamo.

Waxaa hadda loo malaynayaa, in habka uu Cudurka cusub ee Fayraska Corona uu ka fudud yahay kan SARS iyo MERS.

Fiidiyow "Sidee Cudurku isu muujiyaa?" (AGES)

Sideen u ilaalin karnaa Austria gaar ahaan Guruubka u nugul Cudurka, sida Dadka waayeelka ah ama Dadka uu difaaca jirkoodu liito?

Tallaabooyinka nadaafadda iyo sidoo kale wakhtiyada hargabka oo la ilaaliyo. Tallaabooyinka ugu muhiimsan uguna waxtarka badan ee ku saabsan ilaalinta shakhsiyeed iyo ka hortagga inuu Dadka kale ku dhaco Cudurkaaan infekshinka ee neef-mareenada ayaa ah, nadaafadda Gacmaha oo lagu dadaalo, sumadaha Qufaca oo la ilaaliyo iyo in laga fogaado ugu yaraan (qiyaasta 1 ilaa 2 Mitir) Qofka looga shakisanyahay Cudurka.  

Waa maxay Corona-Shaqada wakhtiga gaaban?
  • Foom cusub, oo ah Shaqada wakhtiga gaaban
  • Ku meelgaar lix bilood ah

Jawaabaha dheeriga ah oo ku saabsan Su‘aalaha "Corona-Shaqada wakhtiga gaaban" waxaad ka helaysaa daabacadaha hadda ah ee BMAFJ.

Dowlada Federaalka Awstariya waxay iclaamisay xaddidida banaan ubixidda

Macluumaad dheeraad ah

Hadda waxaa jira sedax sabab kaliya oo dartood Guriga looga bixi karo

  • In aad shaqo aadid hadday daruuri tahay
    • Meesha ay suurta gal tahay, dadku waa inay qadka taleefanka guriga uga shaqeeyaan.    
    • Cid kasta oo ka shaqaysa, qaybaha sahayda kuwaasoo muhiim u ah damaanadqaadka quudinta dalkayna kuma jiraan taas.
  • Adeegyada degdega iyo daruuriga ah
    • Taas waxaa ka mid ah hawlaha degdegta ah sida: soo iibsashada Cunnada ama aadidda Farmashiyaha
  • Caawi dadka kale
    •  Dad badan ayaa Awstariya waqtigaan caawimaadeena ku tiirsan, maxaa yeelay tusaale ahaan sababo caafimaad dartood ayayna laftooda cunno u soo iibsan karin.
    • Cidda xaaladahaas oo kale Guriga uga baxdo, si ay dad kale u caawiso, waa inay waqtigaan oo kale awoodo inay sameeyo.

Xaaladaha sida gaarka ah loo soo reebay waxaa ka mid ah: Qofka xaalad degdega darteed banaaanka inuu ugu boxo u baahan waa inuu asagoo qura sameeyaa ama ay raacaan dad ay guriga kuwada noolyihiin.

laga bilaabo Maanta waa laxirayaa meelaha dadwaynuhu isuguyimaadaan, Munaasabadahana mustaqbalka si guud ayaa loo mamnuucayaa.

Dowlada Federaalka waxay samaysay sanduuqa loo qoondeeyay maaraynta Mushkiladda Caabuqa Korona uu ku kacaya 4 bilyan oo yuuro

Macluumaad dheeraad ah
  • Xirmo kaalmo Dhaqaale oo toos ah oo degdeg ah laab laabna aan lahayn
    • sanduuqa maaraynta Mushkiladda Caabuqa Korona uu ku kacaya 4 bilyan oo    yuuro.
    • Damaanad qaadka Qarash bixinta Sharikadaha, ilaalinta boosaska Shaqada, iyo caawimaadda xaaladaha adag
  • Silsiladaha taakulada Sahayda waa la xoojin, si ayna Cunnada iyo dawadu Awstariya iyo  Yuruba kaga dhamaan.
  • Laga bilaabo 16. Maarso 2020 kama jiro Dugsiga Sare wax cashar ah.
    • Sida ugu macquulsan waxbarashada waa in Online loo bedelo
    • Macluumaadka quseeya raadka ay ku yeelan doonto imtixaanka dugsiga sare waxaa la sheegi doonaa Khamiista 19 maarso 2020.

Dugsiga hoose iyo dhexe wax cashar ah kama jiraan laga bilaabo arbaco 18. Maarso 2020

  • Halka ay suuragal ka tahay waa in daryeel gaar ah (hayn) loo bedelo
  • Halka aysan suuragal ahayn daryeel gaar ah, waxaa ciyaalka sidii hore loo gayn karaa iskuulka.

 

Wararka khiyaaliga ah ee ku saabsan Koroona feyras

Digniin: waqtigaan xaadirka aha waxaa la isla dhexmarayaa warar been abuur ah oo ku saabsan Koroona feyras. Fadlan rumayso kaliya qoraalada ka soobaxa illaha rasmiga ah, sida hey’adaha caafimaadka awstariya iyo kuwa caalamka, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ama Hey’adaha dawliga ah sida wasaaradaha.

Hoos waxaad ka helaysaan qaybo ka mid ah Kutirikuteenta iyo wararka been abuurka ah ee soo shaacbaxay ee la isla dhexmarayo- iyo xogta rasmiga ah ee sugan oo arintaas ku saabsan lagana soo xigtay  He’ada caafimaadka aduunka (WHO):

Downloads

Risiken minimieren: Infoblatt der Österreichischen Apothekerkammer (ÖAK)

Hygiene- und Schutzmaßnahmen: Infoblatt des Bundesministeriums für Inneres (BMI) und des Bundesministeriums für Gesundheit, Soziales, Pflege und Konsumentenschutz (BMGSPK)